Maxamed Coloow Maxamed oo gacan galay ciidanka DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxamed Coloow Maxamed oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Khaalid Bin-Waliid.

Ninkan oo magaciisu afgarashadu yahay Mascuud ayaa waxa uu muddo ka tiraanaa kooxda Al-Shabaab oo xilligaan wajaheysa wejigii ugu adkaa ee gulufka ka dhanka ah, kaasi oo looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, ninkaan ayaa kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanadda miyiga ah ee gobolka Galgaduud.

Guutada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo ee uu isku soo dhiibay Mascuud ayaa horraanta bishii hore ka baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo aaday furimaha dagaalka, halkaasi oo ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab

Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaadiid cusub, waxaana laga dareemayay inay qabaan tababar ka duwan ciidamada kale, kaasi oo ay kusoo qaateen dalka Masar, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo dhawaan si rasmi ah uga bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, waxaana ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay horay kooxda ug qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhan ah kooxda, kaasi oo deegaano badan looga qabsaday.