Maxameed Xaashi: QM iyo AU mucaawinooyinka wax u noqon mayso Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay heshiiskii 31-kii bishii hore dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Heshiiskaasi oo DF Soomaaliya ay ku shaacisay inay magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera laga fulin doono mashruuc ay ugu magac dartay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir marxuum Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Ex Wasiir Maxamed Xaashi ayaa sheegay inay marnaba yeeleyn in Soomaaliya loo soo mariyo mashaariicda horumarineed, isagoona hoosta ka xariiqay inaysan marnaba qaadaneen mashaariicda ay QM iyo AU usoo mariyaan dowlada federaalka.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wax isku xidhay meesha ma yaalaan Somaliland iyo Soomaaliya, qoladan wax bixisa iyo UN inay inaga dhigaan maamul ka mid ah Soomaaliya maaha wax aynu ka mutaysanay dawna maaha, sidii wasiirku sheegay ayaana sax oo shaqo kuma lihin wixii Soomaaliya la siinayo”.

“Wixii Somaliland la siinayana gaar ha u ahaadaan laakiin soo mara oo ka mid ahaa gobolada Soomaaliya caqli maaha wax la diidana weeyaan oo in laga aqbalana maaha waxaas oo kalana inay inoola yimaadaan maaha”.

“Inaga oo aheyn qoladii ugu horaysay ee xoriyad heshay in maanta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika sidaas inoo caansiiriyaan may ahayn, dawlado isku tagay oo kala baxayna way jireen sida kuwaasna inay inoola macaamilaan ayey ahayd laakiin waxaan u malaynayaa iyagaa rabshad wada oo doonaya inaanu dagaalku istaagin oo wixii kala gaadhay Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku filnaan waayey waxaanay doonayaan inay sii socoto oo dadku islaayo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dhinacooda waxaynu ka nahay inaynu Soomaaliya ka mid nahay taasina wax dhacaya oo jira maaha, anaga Somaliland ayaa nala yidhaahdaa macaawinadoodana inaynu iska dayno oo aynu ka maarano ayaa fiican”.

“Waynu noolaan karnaa haddii aynu waxeena hagaajino markaa inaynu barinaba maaha oo aynu dawarsano, madaxdeenuna dawarada aynu waydiisanayno haynaga daayaan oo waxeena aynu hagaajisano”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com