Sawirro: DF Somalia oo mar kale ku dhawaaqday xilliga uu furmayo shirka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Eng; Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay ergada ka qeyb geleysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa caddeeyay in September 04,2019 uu furmayo shir-weynaha reer Galmudug ay aayahooda uga tashanayaan.

Eng; Cabdi Maxamed Sabriye oo dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka ayaa codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha  si reer Galmudug ay ugu diyaar garoobaan dhismaha dowlad gobaleed dhameys ah oo ka shaqeyna danahooda.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada iyo u diyaar garowga ka mira dhalinta shir-weynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalo Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com