26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxan ka barankarnaa Hanaanka doorashooyinka Puntland? (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashooyinka Puntland waxaa la filayaa iney dhacaan bisha Janayo ee sanadka soo aadan. Waxey Puntland isku tilmaantaa iney tahay hooyada Federaalka Somalia balse taas kasow waxaa ay Puntland cashir kale u dhigeysa maamulada kale ee Somalia.

Wax ka yar 7 bilood ayaa ka dhiman doorashada Puntland hada ayeyna musharaxiintu bilaabeen ololahooda doorashada.

Qaar ayaa bisha dambe bilaabi doona halka madaxweyne Gaas uusan wali ku dhawaaqin inuu musharax yahay balse waxaa la filaayo inuu ku dhawaaqi doono.

Siyaasada Somalia waxaa ka maqan in qofka loo ogolado inuu waqtigiisa dhameysto isagoo aan la colaadin, mooshin laga keenin, oo aan xukunka lagu qabsan.

Sida caadiga ah mucaaradku waxey ololahooda doorashada bilaaban sanadka u dambeeya balse Dowlda hada jirta ee uu Farmaajo hogaamiyo waxa ay dagaal iyo mucaaarad la kulantay sanadkeedii koowaad.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya iney taasi tahay dhaqankii siyaasada oo la gadiyay. Siyaasiyiinta reer Puntland waxey u muuqdaan kuwo la jaan qaadaya hanaanka doorashooyinka iyo dhaqmada siyaasadeed ee caalamiga ah.

Aqoonyahan Nuur Cali oo lahadlay saxaafadda wuxuu sheegay in ay wacan tahay in Puntland iyo siyaasiyiinteeda lagu amaano inaan la hungriyeyn hogaamiyaha xiligaas jooga oo laga barto in qofku waqtigiisa dhameysto, ayna musharaxiinta mucaaradku yimadaan oo ay ololahooda bilaaban sanadka ugu dambeeya.

Waa adagtahay inaad aragto siyaasi reer Puntland ah oo ka hadlaya inuu kursiga ka xoogo madaxweynaha xiligaas jooga, arrintaan waxaa xitaa u baahan iney bartaan madxda dowlada dhexe ayuu yiri Nuur Cali.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News