Maxay ahaayeen ciidamada maanta kasoo degay Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada cusub oo ka yimid wadanka Nigeria oo kamid ah dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya yaa ku biiraya dadaalada ku aadan Nabadda iyo Xasiloonida, iyaga oo ka qeyb qaadan doona ilaalinta goobaha muhiimka ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ka hor inta aan ciidamada la keenin magaalada Muqdisho waxaa munaasabad tababar ay qaateen loogu soo xirayay ay ka dhacday dalka Nigeria, ayada oo saraakiisha ciidamada booliska dalkaas ay fareen inay si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska Nigeria ee ka tirsan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa uga mahad-celiyay ciidamada iyo saraakiishooda tababarka ay qaadeen loogana baahan yahay inay waajibaadkooda si waangsan u gutaan.

Ciidamada maanta soo gaaray magaalada muqdisho ayaa kamid noqonaya Ciidamada Booliska ATMIS ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka kala socda qaar kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa in muddo ahba dooneysay in howl-galka Midowga Afrika uu noqdo mid ka turjumaya baahida dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya, si ay ugu suurta gasho dowladda inay ciidamada shisheeye kala wareegto mas’uuliyadda amniga.