Shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo maanta xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo loo haystay falal argagixisanimo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka wada-shaqeeyaan dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in raggaan isku xiran lasoo qabtay xili ay ku fashilmeen qorshe ay ka fulinayeen, islamarkaana ay soo dhameysteen dhamaantood habraacyadii maxkamadeed 10-kii bishaan.

“Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahlanaantay Ciidamada aan muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kooxdaan ay ka koobneyd koox jugta culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, kuwaasi oo lahaa Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Xukunada kasoo baxay Maxkamadda ayaa u dhacay sidan:

  1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October sanadkan.
  2. Xasan Cali Xuseen Ibraahim – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawac dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday marxuumka ka hor inta uusan geeriyoon.
  3. Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – waxa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo kan Caafimaadka
  4. Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – waxa lagu xukumay Shan sanno oo xabsi Ciidan ah, waxaana dhex-martay lacag ka badan sedax kun oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad.
  5. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle – waxa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi Ciidan ah, wuxuuna ahaa fura-hayaha guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada.

Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ay maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, ayna u celisay xorriyadooda.