Maxay Al-Shabaab ka tiri wadahadal ay la gasho DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku xigeenka kooxda Al-Shabaab Cabdiraxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa wareysigii ugu horreeyey oo uu bixiyey siiyey Channel 4 oo laga leeyahay UK, wuxuuna ka hadlay arrimo dhowr ah.

Mahad Karate ayaa qayb ka mida wareysiga uga hadlay, haddii ay wadahadal la-galayaan dowladda Soomaaliyeed, si loo soo afjaro dagaalka ay ka wadaan dalka, wuxuuna shaaca ka qaaday in wax hadal ah aysan la gelin doonin dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab ayaa sababta ay ku diideen wadahadalka ku sheegeen in aysan aaminsaneyn dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cid kasta oo diidan Shareecada Islaamka aysan la hadli doono, ayna sii wadi doonaan dagaalka.

“Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin. Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa” ayuu yiri Mahad Karate.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in mar uun ay ku han weyn yihiin inay la wareegaan guud ahaan Soomaaliya, ujeedkoodana uu yahay inay ka dhaqan geliyaan Shareecada Islaamka.

Mahad Karate ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ee sida aadka ah loo doon doonaya, waxaana 10-kii April ee 2015-kii 5 milyan oo Dollar dul dhigay Mareykanka.