Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ahaa hogaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ee lagu casuumay ka qeyb galka xafladii lagu caleemo saaray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
C/Welli Gaas ayaa tagay magaalada Jabuuti isaga oo wafdi uu hogaaminayo ay ka raaceen magaalada Boosaaso, laakiin waxaa bahdilaadii ugu horeysay uu kala kulmay bahda warbaahinta Jabuuti.
Wariye ka tirsan Tv-ga qaranka Jabuuti ayaa ku tilmaamay C/welli Gaas inuu yahay madaxweynaha Jubbaland wuxuuna sidoo kale qalday magaciisa oo uu ku sheegay C/welli Gacas.
Sidoo kale wariye ka tirsan tv-ga Jabuuti ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay wasiir ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana ay noqotay qaladkii labad ee laga galay madaxdii tagtay Jabuuti.
Axmed Siilaanyo ayaa sidii uu doonayay aan kala kulmin xafladii Caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, waxaana uu sugayay in la fariisiyo kuraasta loogu talo galay madaxweynayaasha caalamka ka socday, waxaase la fariisiyay meel aan ka fogeyn C/welli Gaas oo ku jiray kuraasta loogu talo galay madaxweynayaasha maamul goboleedyada.
Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

