Maxay DF ka tiri dhibaatada soo gaartay Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada Somaliland kasoo gaartay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqa oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xanuunka la qaybsaneyso ganacsatadii ku hanti beeshay dabka xalay ka kacay suuqa labaad ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Al-Cadaala ayaa dadka uu soo gaaray khasaaraha Eebbe uga baryay inuu siiyo beddal khayr leh, maadaama ay ku xoolo beeleen dabkaasi.

“Ilaaheey badal khayr leh ha siiyo muwaadiniinta ku xoolo beelay Dabkii xalay qabsaday Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargaysa, xanuunka ayaan la qaybsanaynaa” ayuu yiri Al-Cadaala.

Dabka oo aad u xoogganaa ayaa waxaa mar dambe ku guuleystay xakamayntiisa ciidanka dab-damiska, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Waxaa kale oo uu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.