Riyadh (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Riyadh ee wadanka Sacuudiga ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaraya horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo maalgalin lahaa ilaha wax soo saarka dalka oo uu ugu horeeyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu wadankeenu hodanka ku yahay.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hoggaaminaya xubnaha kala duwan ee shirka ka qeyb-galaya oo ka kooban xafiisyada madaxeynaha, ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha kala ah wasaaradda maaliyadda, wasaaradda qorsheynta, wasaaradda batroolka, bangiga dhexe, hay’adda warbixinada maaliyadda, hay’adda istaatistikada qaranka iyo xafiiiska xisaabiyaha guud.
Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa wixii u qabsoomay dowladda Soomaaliya muddadii sanadka aheyd ee kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deymhii lagu lahaa.
Sidoo kale waxa uu noqonayo qorshaha ku aadan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya gaarsiin kara isku filnaan dhaqaale.
Wasiir Biixi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa faah-faahin buuxda ka bixiyay dadaalka wasaaradda maaliyadda ee ku aadan dib-u-habeynta maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay hadda ku socdaan hanaankii saxda ahaa ee lagu gaari lahaa horumar maaliyadeed.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hufnaanta iyo horumarinta maaliyadda, isagoo u mahad-celiyay sanduuqa IMF iyo bangiga adduunka oo si wanaagsan u la shaqeeya hay’addaha maaliyada Soomaaliya, taageerada farsamo iyo mid maaaliyeed ee ay ku taageeraan dowladda federaalka.