26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri shirka mucaaradka uga furmaya Kismaayo?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay shirweynaha mucaaradka ee maalinta berri ah ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Wasiir Cali Xoosh ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in marnaba dowladdu kasoo horjeedin in ay shir yeeshaan mucaaradka, balse wuxuu su’aal geliyay sababta xubnaha Kismaayo iskugu tegay u diidan yihiin in dalka hore loo socodsiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay xubnaha mucaaradka ee haatan ku sugan Kismaayo in aysan qaarkood dhaqan u laheyn qabashada doorasho hufan.

“Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha mucaaradka ayuu sheegay in ay diidan yihiin in awoodda loo celiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirka oo dhameystiran:

Ma mudan yihiin in ay ka hadlaan hufnaan doorasho, maxayse marwalba u yihiin caqabad?

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda dastuuriga ah ee isu-imaatinka iyo shirarka, waana xaq uu leeyahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Dowladdu si buuxda ayay u dhowraysaa xaqaas, waana wax ka duwan wixii horey u dhici jirey.

Su’aalaha isweydiinta mudan waxa weeye; maxay odayaasha isku urursanaya Kismaayo u diidan yihiin in dalka hore loo socodsiiyo?, Maxay mudadda dheer u hortaagan yihiin in la dhameystiro dastuurka dalka?

Maxay mudadda dheer u diidan yihiin in doodahooda ay geeyaan gogolaha wadda hadaladda Qaran?, Sidee u maamuleen doorashooyinka maamuladda ay hogaaminayeen iyo doorashooyinkii dadbanaa ee 2022?

Iyadoo la yaqaan sooyaalkooda maamulidda arimaha doorashadda iyo qaabkii ay iskugu doorteen kuraasta ay ku fadhiyaan, maxay tahay aragtida ay dalka u hayaan? Maxayse sida gaarka ah ugu hortaagan yihiin in la qabto doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir? Maxay uga baqayaan in talada dib loogu celiyo shacabka?

Qof aan lahayn dhaqanka qabashada doorasho hufan, ma noqon karaa mid dhaha arimaha doorashadda ayaan ka talo bixin, qof dalka kala goyntiisa ka shaqeynayey muddo afar sanno ah, maanta maka hadli karaa mustaqbalka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News