24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Daawo: Qalabka doorashada qof iyo cod ee Muqdisho oo la soo bandhigay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay agabka loo adeegsanayo doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in dhammaan qalabka loo baahan yahay uu si buuxda u diyaarsan yahay, isla markaana uu sugayo in loo raro goobaha codbixinta ee horay loo asteeyay.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa xusay in agabka doorashadu yahay mid dhammeystiran, ayna ka harsan tahay oo kaliya in la gaarsiiyo goobaha lagu codeyn doono, xilli uu heer geba-gebo ah marayo diyaargarowga doorashada.

Agabka la soo bandhigay waxaa ka mid ah sanaadiiqda codbixinta, miisas loogu talagalay waraaqaha codka, iyo kombiyuutarro lagu hubinayo aqoonsiga codbixiyeyaasha.

Doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir oo la qorsheeyay in ay qabsoonto 25-ka December 2025, ayaa loo arkaa mid door weyn ka qaadan doonta jihada siyaasadeed ee dalka, wallow ay jiraan dhaliilo ka imaanaya dhinaca mucaaradka oo la xiriira habraaca doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa haatan muujinaya rajo ah in doorashadu ay u dhacdo si nabad ah oo guul leh, iyagoo adkeeyay in guddigu si buuxda ugu diyaarsan yahay gudashada waajibaadkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa u arka doorashooyinka qof iyo cod ee haatan ku howlan tahay Dowladda Federaalka kuwo dhinac ka raran, isla markaana loo maray hannaan aan sharci ahayn.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa si adag u diiday wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, oo ay sheegeen in Villa Soomaaliya dhabaha ugu xaartay qorshaha doorasho qof iyo cod ah, taas oo xubnaha mucaaradka u arkaan mid aan haatan ka qabsoomi karin dalka, maadaama aan heshiis lagu ahayn.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News