Nairobi (Caasimada Online) – Garsoore Maxamed Ibraahim oo ahaa Garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu sarreeyay ee ka tirsanaa Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaa geeriyooday, sida ay si rasmi ah u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta garsoorka dalkaasi.
Madaxa Garsoorka Kenya, Martha Koome ayaa tacsi murugo leh u dirtay ehelladiisa, saaxiibbadiisa iyo guud ahaan bahda caddaaladda, iyadoo ka tacsiyaysay geerida ku timid Garsoore Maxamed.
Maxamed ayaa ku soo jiray bahda garsoorka muddo dhan 23 sano, isaga oo soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah kana soo shaqeeyay maxkamado kala heer ah.
Garsoorahan ayaa waxaa si weyn loogu aqoonsanaa kaalinta uu ku lahaa dib-u-habaynta hay’adaha dowliga ah, hoggaaminta xeer-beegtida iyo dadaalladii lagu horumarinayay helitaanka caddaaladda dalka Kenya.
Ka hor inta aan loo magacaabin Maxkamadda Sare, Garsoore Ibraahim waxa uu ka tirsanaa Maxkamadda Racfaanka, halkaas oo uu ka go’aamin jiray dacwado culus oo la xiriiray dastuurka, ganacsiga iyo xuquuqda aadanaha.
“Garsoore Maxamed Ibraahim wuxuu ku geeriyooday maanta oo Arbaca ah isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi wax yar kaddib 4:30 galabnimo,” ayuu yiri Garsoore Maxamed Warsame.
Garsooraha, waxaa hore loogu dabiibayay qeybta daryeelka deg-degga ah ee dalka Hindiya, balse dhakhaatiirtu waxay ku taliyeen in dib loogu soo celiyo Kenya si uu waqti ula qaato qoyskiisa inta ka harsan noloshiisa. Maxamed oo jiray 69 sano ayaa ka tagay xaas iyo afar carruur ah.

