26.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Maxaa caawa ka socda Kismaayo ka hor furitaanka shirweynaha mucaaradka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa intooda badan caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo badi hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa maanta gaaray Kismaayo, iyadoo maalinta berri ahna uu halkaasi gaari doono Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Qaban-qaabadii u dambeysay ee shirweynaha berri furmaya ayaa caawa ka socoto magaalada Kismaayo, iyadoo madaxda halkaasi ku sugan ay leeyihiin kulamo gooni-gooni ah.

Shirweynahan oo furmaya berri galinka dambe ayaa waxaa lagu sii amba-qaadaya dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban siyaasiyiinta mucaaridka Muqdisho, iyo maamullada Puntland iyo Jubaland.

Golaha ayaa shirweynahan ku dooran doona hoggaan, iyadoo lagu wado in ay guddoon u doortaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland, Axmed Madoobe.

Sidoo kale, golaha ayaa go’aanno ka soo saaraya xaaladda kala-guurka dalka, iyada oo durba la bilaabay ka hadalka noocyo doorasho oo ka dhan ah qof iyo codka ay wado Villa-Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaridka qaar ayaa soo jeediyey in lagu dhawaaqo dhismaha dowlad kale, haddii Dowladda Federaalka ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo Kismaayo.

Inkasta oo siyaasiyiinta mucaaridka qaar ay walaac ka qabaan doorashadii 2022 oo kale, haddana madaxda maamullada ayaa xilligaan door bidaya doorasho dadban oo keliya la badiyey ergada iyo deegaannada.

Si kastaba, shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.

Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News