Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa goordhow ka hadashay xasuuqa maalinimadii shalay Qaxootiga Soomaalida loogu geystay Xeebta Xudeefiya ee dalka Yemen.
Jawaabta Dowlada Somalia ee ku aadan Xasuuqa ayaa timid 24-Saac ka dib markii diyaarado dagaal ay duqeeyn culus u geysteen Qaxooti Soomaali ah oo kusii jeeday dalka Sudan.
C/salaan Hadliye Cumar oo ah siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa sheegay in Qaxootigii Soomaalida ahaa ee Shalay lagu Xasuuqay Xeebaha Yemen ay Mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu Sacuudigu Hogaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay Aqoonsan tahay.
Hadliye ayaa sheegay in Xasuuqaasi wax laga weydiin doono Isbaheysiga uu Hogaaminaayo Sacuudiga waxa uuna tilmaamay inaanu jirin diyaarado kale oo duqeymo joogta ah ka geysta dalka Yemen.
”Aad ayaan uga xunahay Xasuuqa loo geystay Qaxootiga Soomaalida, waxaa ayaan darro ah in Gantaalo lala eegto shacab maati ah oo dalkooda uga cararay amni darro, waxaan Xasuuqaani kala xaajoon doonaa Isbaheysiga uu Hogaaminaayo Sacuudiga oo lahaa Duqeynta”
”Wax la aqbali karo ma ahan xadgudubkaasi, waxaana Mas’uul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”
Dowlada Sacuudiga ayaa beenisay inay ku lug leedahay Duqeynta lagu xasuuqay Qaxootiga Soomaalida ee ka ambabixi lahaa Xeebta Xudeefiya ee dalka Yemen.
Afhayeen u hadlay Huwanta Gen Axmed al-Assiri ayaa u sheegay wargeyska Arabnews ee ka soo baxa sucuudiga inay Diyaaradaha Sucuudigu aysan ku lug lahayn weerarkaasi, islamarkaana aysan ka dagaalamin goobta ay ka dhacday duqaynto
“ Huwantu lug kuma laha weerarkaasi, ma jiro howlgalo ay ka wadaan aagaas”.
Dowlada Sacuudiga oo isticmaasha Duuliyayaal Kiro ah ayaa inta badan duqeymo joogta ah ka geysata Goobaha ay ku noolyihiin shacabka Yemen iyo Ajaaniibta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]