Maxay dib usoo laabashada Mareykanka ka bedeli kartaa DAGAALKA Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo horey u usoo noqday taliyaha ciidanka sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa wareysi uu siiyey VOA kaga hadlay talaabada uu Isniintii qaaday Madaxweynaha Mareykanka oo fasaxay in boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada dalkaas lagu soo celiyo Soomaaliya.

Axmed Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey go’aanka kasoo baxay dowladda Mareykanka, wuxuuna tilmaamay in lagu soo aadiyey xilli loo baahnaa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tallaabada muujineyso farriinta Mareykanka ee ku aadan la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo dowladdiisa.

“Waa tallaabo aad u fiican waxaa weeye go’aan xilligiisa lagu soo aadiyey, farriintaasna waxay ku socotaa Madaxweynaha cusub iyo Ummadda Soomaaliyeed inay Mareykankana garab taagan yihiin, waana loo baahnaa taageeraadaasi” ayuu yiri Gaashaanle Sare Axmed.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in markii Mareykanka uu la baxay ciidamadiisa, isla-markaana uu yareeyey howl-galkiisa Soomaaliya ay soo laba kacleeyeen Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Axmed Cabdullaahi ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka Mareynka uu wax wey ka bedeli doono dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan weerarada ay fuliso kooxda.

“Wax weynbey tari doontaa hadda tusaale dhowaan waxay soo weerareen Burundigii Ceel Baraf meesha ay daganaayeen ciidamada ATMIS xasuuq weyn ayey meesha gaarsiiyeen marka waxaa weeye cabsidii awelba ku jiri jirtay xoogaa waxaa moodaa inay meesha ka baxday. Marka inay Mareykankii soo noqdaan oo ay la socdaan dhaq-dhaqaaqooda oo ciidamadii dowladda ee weliba Kumaandooska taageeradooda dib u bilaabaan ayna u diyaar garoobaan dagaalkaas,” ayuu markale sii raaciyey Gaashaanle Sare Axmed Cabdulllahi.

Mareykanka ayaa si toos ah uga qayb qaata la dagaalka Al-Shabaab, isaga oo fuliyo duqeymo dhanka cirka ah, sidoo kale wuxuu tababar iyo taageero siiyaa ciidanka Danab.