Maxay Galmudug ka tiri magacaabista golaha wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa goordhow ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, kadib markii Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu sheegay in Xubnaha Golaha uu kusoo xushay kalsooni.

Maamulka ayaa sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirada ay noqon doonaan kuwa buuxiya kalsoonida lagu soo xulay waxa uuna maamulka tilmaamay inay dhowrayaan hanaanka ay ku shaqeyn doonaan Wasiirada la magacaabay.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay halkaan uga diraysaa hambalyo iyo bogaadin Wasiirada Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassaan Cali Kheyre uu soo xulay.

Xulashada Wasiirada cusub ayaa muujinaysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu si degan oo Soomaalinimo kujirto usoo doortay Wasiiro aqoon leh, laguna yaqaan karti iyo hufnaan.

Xulashadan waxaa kale oo ay muujinaysaa in madaxda Soomaalidu ay ka muuqato bisayl siyaasadeed oo dhiiri galinaysa in dhammaan lagawada qeyb qaato siyaasadda wadan qof walbana ay suuragal tahay inuu ku biiriyo aqoontiisaa iyo kartidiisa marka uu soo maro waqtigu.

Waxaa Baarlamaanka Soomaaliyeed ka rejeyneynaa in Wasiirada cusub la ansixiyo magacaabistooda si waqti uusan uga lumin ummadda Soomaaliyeed laguna dhiiri galiyo siday kaalin weyn uga qaadan lahaayeen inay wax kabadalaan xaaladda wadanku ku sugan yahay haatan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay Ilaahay uga baryeysaa Wasiirada cusub in ay u horseedaan ummadda Soomaaliyeed nabad, midnimo, horumar iyo cadaalad ay kaga baxaan dhibaatada iyo abaaraha hareeyey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com