25.7 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Maxay ka dhigan tahay in maamulka Somaliland uu aqoonsi ka helo Israa’iil?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu sheegay in dalkiisa uu aqoonsaday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, waxaa isa soo tarayay baaqyada caalamiga ah ee lagu taageerayay Dowladda Soomaaliya.

Netanyahu ayaa markii uu saxiixay warqadda aqoonsiga Somaliland, wuxuu taleefonka ugu sheegay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro in rabitaanka Somaliland ee ah inay ku biirto heshiiskii Abraham Accord uu ku wargelin doona madaxweyne Trump marka ay kulmaan.

Wargeyska The New York post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa ku warramay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ay wax ka weydiiyeen in uu aqoonsanayo Somaliland kadib go’aankii Israa’il, waxayna sheegen in hogaamiyaha Mareykanka uu u sheegay “in uusan diyaar u aheyn aqoonsiga Somaliland”.

Inkastoo aysan kala caddeyn waxa Hargeisa ay ku baddelatay aqoonsiga ay ka heshay Telaviv, marka laga reebo in Israa’il ay tahay dalkii ku horreeyay aqoonsiga, haddana waxaa la rumeysan yahay in Somaliland ay ku taallo marrin muhiim, gaar ahaan badda cas iyo Baabul Mandab oo boqolkiiba soddon uu maro ganacsiga adduunka.

Dadka wax fallanqeeya ayaa rumeysan in waxyaabaha Somaliland ay Israa’il kusoo jiidatay ay kamid tahay in Telaviv ay joogitaan ku yeellato gobolka, gaar ahaan badda cas oo dhowr jeer lagu weeraray maraakiib ganacsi oo ay leedahay.

Walow aan si rasmi ah loo shaacin, haddana Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin in Israel ay saldhig milateri ka sameysato gudaha Soomaaliya.

Amniga oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay Israel ku howlan tahay ayaa fallanqeyeyaasha gobolka aaminsan yihiin in waxyaabha Somaliland ay kala kaashan karaan ay tahay dhanka amniga.

“Dabcan Israa’il inay xiriir la sameyso Somaliland waa u muhiim, si ay ula socoto dalalka ama kooxaha gobolka ee ay is-hayaan, gaar ahaan Xuutiyiinta iyo dalka Iiran,” ayuu yiri Martin Plaut oo ah khabiir ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

Wuxuu intaa raaciyay in Israa’il ay marwalba ku dedaaleysay inay xiriir diblomaasiyadeed la sameysato dalal gobolka, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta.

Israa’il ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay duullaan ka waday marinka Qaza, dagaalkaas oo sababay in sidoo kale ay foodda is-daraan Iiran iyo kooxda Xuutiyiinta, waxaan jirta aragti in aqoonsiga Israa’il uu Somaliland ku yeelan karo cawaaqib xumo dhanka amniga.

“Waxaa jira cabsi laga qabo tallaabooyin halis ku ah amniga Somaliland oo ka iman kara Xuutiyiinta. Waxaa kale oo jira dalal loollan kula jira Israa’iil, oo ay ka mid tahay Turkigu, kuwaas oo abuuri kara falal lagu wiiqayo xulafonimada Somaliland iyo Israa’iil,” ayuu yiri Cabdifataax Taahir oo cilmi-baare ka ah jaamcadda Manchester ee dalka Ingiriiska.

Warbaahinta Turkiga ayaa horraantii sanadkan ku warrantay in Ankara ay dooneyso in saldhig dayax gacmeed ay ka sameysato gudaha Soomaaliya, arrintaasi oo dadka wax fallanqeeya qaar kamid ah ay ku tilmaameen inay tahay sababta Israa’il ay haatan u daneneyso Somaliland, madaama uu xifaaltan ka dhaxeeyo labada dal.

Wuxuu intaa raaciyay in aqoonsiga uu Somaliland waxbadan usoo kordhin doona, maadaama ay tahay dalkii ugu horreyay ee aqoonsada, galangal diblomaasiyadeedna kuleh dunida.

“Israa’iil waa dal ay Yuhuuddu ku badantahay, iyagoo leh jaaliyado xooggan dibadda ah, isla markaana saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku leh. Waxaa la rajeynayaa in cududdaas ay ugu ololeeyaan in dalal kale ay Somaliland ictiraafaan.” ayuu intaa sii raaciyay.

Inkastoo ay jiraan dalal badan oo dunida ah oo dalal kale ay aqoonsadeen oo ay kamid tahay Kososvo, haddana dalalkaas kama mid noqonin Qaramada Midoobay. Somaliland waxaa la rumeysan yahay inay ku biiri doonto liiska dalalkaas ilaa ay ka heleyso aqoonsi buuxa, maadaama ilaa iyo hadda ay aqoonsatay Israa’il oo keliya.

Sida uu qorayo qoddobka 4aad ee Axdi Qarameedka Qaramada Midoobay, dalkii doonaya in uu xubin ka noqdo Qarama Midoobay waa in uu helaa sagaal xubnood oo kamid ah dalalka gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sidoo kale uusan kahor imanin shanta dal ee leh codka diidmada qayaxan.

Waxyaabaha kale ee qoddobkaas ku xusan waxaa kamid ah in dalka kamid noqonaya Qaramada Midoobay uu helaa taageerada saddex meelood laba meel dalalka xubnaha ka ah gollaha guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ka dhigan in 129 kamid ah 193 dal ee katirsan Qaramada Midoobay ay taageeraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu soo baxay go’aanka Israel qaaday tallaabooyin dhowr oo ay taageero kaga dalbanaeyso caalamka.

Midowga Afrika, IGAD, jaamacadda Carabta, ururka Islaamka, iyo dowlado dhowr ah oo ay kamid yihiin Masar, Turkiga, Sacuudiga, Urdun, Qatar, Kuwait iyo dalalka kale ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku taageeray madaxbanaanida Soomaaliya, arrintaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen garab-istaag ay dalalkaasi u muujiyeen Soomaaliya.

Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaana lagu wadaa in kulan degdeg ah uu ka yeesho aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News