Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo xildhibaanada haweenka ah ee BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka oo horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey haweenka labada Aqal ee baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kaalin muhiim ah ay ka qaadanayaan qorsheyaasha qaran ee dib u eegista dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaannada matalayey haweenka ee ka socday labada gole ee baarlamaanka ayaa Farmaajo la wadaagay warbixin ku saabsan shirweynihii 3-aad ee xildhibaannada haweenka ah ee Baarlamaanka,  sidoo kale waxay ka xog wareysteen qorsheyaasha xukuumadiisa ee awoodsiinta haweenka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanadii la kulmay u balan qaaday in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, isagoo sheegay inuu bogaadinayo dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.