Somaliland oo war ka soo saartay mas’uul sare oo laga eryay madaarka Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay sababta rasmiga ah ee shaqada uga joojisey Madaxii dhinaca amniga ee madaarka magaalada Hargeysa, Guuleed Maxamed Ismaaciil.

Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu awood u lahayn in ay qofka shaqaalaha ah shaqadda ka eryaan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladuba ay sameyn karaan hakin ay shaqada kaga joojiyaan, balse ay go’aankaasi ay leedahay Hay’adda shaqaalaha dawlada, oo iyadu leh awoodda ugu danbaysa ee ah in qof shaqaale rasmi ah shaqadda laga saaro.

Waxa sidoo kale uu sheegay Guddoomiyuhu in madaxii amniga ee garoonka diyaaradaha Hargaysa ee shaqadda laga joojiyay uu ku kacay af-lagaadooyin iyo canbaarayn xad-gudub ah kadib markii shaqada laga joojiyey.

Masuulkaasi sarre ee ka tirsana shaqaalaha madaarka Hargeysa ayaa waxa shaqada hore uga joojiyey Mareeye Ku-xigeenka Madaarka, kadib markii uu dhowaan bartiisa Facebook Madaxii hore ee amniga Madaarku uu taageero ugu muujiyey Wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shaaciyey inuu u tartamayo Jagada Guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye.