Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Waare? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergayga gaarka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya dhowaan u magacaabay xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan sidii adeeg bulsho loo gaarsiin lahaa deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ballan qaaday xukuumaddiisa ay la shaqeyn doonto ergeyga, isla-markaana ay ku gacan siin doonto gudashada waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale Xamza ayaa kula dardaarmay ergeyga in uu mudnaanta siiyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah ee ku nool goobaha laga xoreynayo Al-Shabaab, maadaama la bilaabi doono wajiga labaad ee howlgallada haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalkeena.

Dhankiisa, Maxamed Cabdii Waare ayaa mahadceliyay sida ay usoo dhaweysay xukuumadda, wuxuuna sheegay inuu la yeelan doono wada shaqeyn wanaagsan.

Maalmo ka hore ayey aheyd markii la magacaabayay Waare oo horay usoo noqday madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Ujeedka magacaabistiisa ayaa waxaa lagu macneeyay sidii loo xakameyn lahaa khasaaraha rayidka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsado xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab.

“Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka” ayaa lagu yiri wareegtada.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo Macawiisleyda.