Sawirro: Ciidanka xoogga oo gudaha u galay maxkamadii ugu weyneed ee Al-Shabab

Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka oo saacadihii lasoo dhaafay qabsaday degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya inay gudaha u galeen xaruntii ugu weyneed maxkamadda Al-Shabaab ee degmadaas.

Sidoo kale ciidanka oo howlgallo culus ka fuliyey gudaha degmada Galcad ayaa qarxiyey dhowr miino oo goobo kala duwan ay Al-Shabaab ku sii aaseen, inta aysan isaga cararin degmada Galcad.

Saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta la wadaagay sawirro muujinaya ciidanka oo qarxiyey miinooyin badan, gudahana u galay xaruntii ugu weyneed ee maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Galcad.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka xoreeyey Galcad ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka degmadaas iyo qeybo kale oo ka mid ah bulshada magaalada, iyagoo u cadeeyey in mar dambe aysan ka bixi doonin magaalada oo Shabaab uusan dib ugu soo laaba doonin.

Shacabka ku nool degmada Galcad ayaa baqdin ka qaba inay ciidanku mar kale soo baneeyaan degmadaas, iyagoo ka gaabsanaya inay wax un cilaaqaad ah la yeeshaan ciidanka, maadaama ay dhibaatooyin kala kulmi karaan Al-Shabaab, hadii Galcad ay mar kale gasho gacanta kooxda.

Saraakiisha ciidanka xoogga hoggaamineysa ayaa odayaasha iyo bulshada ku nool degmada Galcad u xaqiijiyey inay ku socdaan qorshe dagaal oo dhameystiran, isla markaana ay sii raacdeysa doonaan Al-Shabaab oo Ceelbuur iyo Galhareeri ay u sii gudbi doonaan.

Ciidanka qabtay Galcad ayaa u sii gudbay dhowr deegaan oo ku teedsan magaaladaas, kuwaas oo Al-Shabaab ay isaga carareen, waxaana lagu wadaa in maalamaha soo socda uu ciidanku u sii gudbo deegaanada ay kooxdu ka joogto gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowladda oo horay Al-Shabaab uga xoreeyey Galcad ayaa soo baneeyey magaaladaas, kadib markii weerar afjar ahaa ay ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaana Galcad lagu dilay ciidan badan iyo taliye ku xigeenkii kumaandooska Danab Xasan Tuure, taas oo adkeysay in ciidanku sii joogo Galcad.

Mar kale ayaa wajiga labaad ee dagaalka lagu daah-furay xoreynta magaalada Galcad oo muhiim u ah qorshaha dagaal ee dowladda Soomaaliya, waxayna magaaladaan istaraatiijga ah ay ciidanka u sahleysaa inay ka abaabulaan howlgallo culus oo ay ku xoreeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri oo ah magaalooyinka ugu waaweyn ee gobollada dhexe ay xiligaan Al-Shabaab ka joogaan.