Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus u diray dhallinyarada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa mar kale farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dhalintaas ugu gacan haatiyey inay ku soo noqdaan dadkooda oo naftooda badbaadiyaan, isagoo balan qaaday in qofkii ka soo hara Al-Shabaab uu xornimo iyo ammaan ku noolaa doono.

“Walaalayaal, dalkaan iyo dadkaan ayaad ka dhalateen oo dal kale ma lihidiin, kasoo noqda waxaa ku jirtaan, u soo noqo dadkaaga iyo diintaada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan jirin sabab maanta ku qasbi karta in wiil Soomaaliyeed uu cabsi god kula jiro, isagoo dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ka codsaday inay isaga soo baxaan dhibka ku heysta duurka.

“Walaal ma jirto sabab aad maalmo badan god ugu jirto oo ugu dhex-saxarooto cabsi darteed, maxaad ku muteysatay ciqaabtaas aad naftaada gelisay? Hadii lagu siray, hadda ayaan kuu sheegeynaa diin iyo dadnimo wax aad difaaceyso habayaraatee ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo khudbadaan maanta ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa shaaciyey go’aanno ay dowladda ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee mas’uuliyiinta dowladda ay ku dhex wataan caasimadda Muqdisho, ka ganacsiga gaadiidka, agabka ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa masuuliyiinta dowladda ka mamnuucay inay gaadiid dagaal ku dhex wataan magaalada Muqdisho, sidoo kale hubka culus in lagu dhex qaato Muqdisho iyo in laga ganacsado oo dalka laga soo dejiyo agabka ciidamada ayuu mamcuunay madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa digniintaan si isku mid ah ugu diray ganacsatada iyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in awaamiir qoran ay dowladu kasoo saari doonto arrimahaan.

Hadalka madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dagaal culus ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, sidoo kalena ay dowladdu la tacaaleyso amni ku soo dabaalidda caasimadda Muqdisho oo inta badan ay ka dhacaan falal argagixiso.

Hoos ka daawo