Hindiya oo $2 milyan ugu deeqday howlgalka ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa ku dhowaaqday taageero dhaqaale oo ay ugu yaboohday howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayan 2 milyan oo dollar ku tabarucday Sanduuqa Qaramada Midoobay, si ay ugu taageerto Howlgalka ATMIS.

Ruchira Kamboj, oo ah ergeyga joogtada ah ee dowladda Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in dowladdeeda ay ku wareejisay jeeg dhan US$ 2 milyan, taas oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hindiya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa ay Hindiya sheegtay in taageeradeeda ay ku aaddan tahay bixinta jawi ammaan oo suurtagelinaya ka hortagga weerarada argagixiso ee ay geystaan Al-Shabaab.

Taageeraadan dhaqaale ayaa kusoo aaday, xilli ay baahi weyn u qabtay ATMIS oo horay u dalbatay taageero maaliyadeed, si u sii wado howlgalkeeda Soomaaliya.

Si kastaba, Hindiya ayaa horay afar milyan oo dollar ugu deeqday howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay inuu u baahan yahay lacag ku dhow $90 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka.