Maxay ka wadahadleen Xasan & Affey

Muqdisho (Caasimada Online)Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo dajiraha gaarkanka ee ururka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.

Kulanka oo ahaa mid albaabka uu u xiran yahay ayaa labada nin waxa ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay xiriika IGAD iyo dowadda fedaraalka Soomaliya iyo soo dhaweynta danjiraha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Danjire Afeey oo u dhashay dalka Kenya isla markaana aad ugu xeel dheer arrimaha Soomaaliya, ayaa ballanqa inuu si dhow u la shaqeen doono dowladda Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u hambalyeeyey danjire Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la sii xoojiyo.

Intaa kaddib waxaa shir jaraa’id Villa Somalia ku qabtay danjire Afeey iyo afhayeenka madaxweyne Eng Yariisow.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa ugu horreyn sheegay in madaxweynaha iyo danjire Afeey ay wax badan ka hadleen kuwaasoo ay isku afgarteen sida uu yiri.

Danjire Afeey ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu yimaado Muqdisho, wuxuuna xusay in shaqadiisa ugu badan ay noqon doonto Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in uu la kulmay ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka wax badana ay ka wada-hadleen sida uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in IGAD ay ka shaqeen doonto siddii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xoog ah marka lagaaro sannadka 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com