Dowladda Britain oo la ogaaday in ay hub siiso burcad-badeeda Soomaalida

London (Caasimada Online) Sida ay qotay Asia New International, dowladda Ingiriiska ayaa lagu eedeeyay in hub siiso kooxaha burcad-badeeda geeska Afrika iyo qaar mid ah waddamada kale.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in hub badan loo dhoofiyay Bariga Afrika, loona baahan yahay in dib u eegis deg-deg ah lagu sameeyo sababta keentay in 44,000 oo hub ah loogu dhoofiyay Bariga Afrika oo ay ku jiraan Soomaalida muddo dhan 15 bilood ah.

Xog ay heshay dowladda ayaa muujinaysa in hubka loo dhoofiyay Bariga Afrika ay ka mid yihiin 30,000 oo qoryaha fudud ah iyo 2,536 bastooladood sida lagu sheegay warbixinta.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Britain ayaa ku eedeeyay waaxda ganacsiga in ay ammaanka khatar galiyeen iyagoo aan wax baaritaan ah sameen oo ku aadan in la hubeeyo ciidamada gaarka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta hubkan ayaa loo isticmaalay in la siiyo shirkado gaar ah oo waardiyeeya maraakiibta ganacsiga ee adeegsada xeebaha Soomaaliya si ay u afduubaan burcad-badeeda Soomaalida.

Hub qiimihiisa badan yahay ayaa la sheegay in la bixiyay intii u dhexeysay bishii April 2012 ilaa bishii June 2013.

Ugu dambeyn guddiga soo saaray warbixintan ayaa leh shirkadaha British-ka waxa ay hu badan u gacan galiyeen burcad-badeeda Soomaalida kuwaasoo ka dilacaay badweynta Hindiya iyo gacanka cadda.

Warbixintan ayaa ku soo aaday iyadoo sannadkii la soo dhaafay la sheegay in wax afduub ah uusan ka dhicin xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com