Maxaa maanta ka dhacay MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maanta oo Isniin ah lagu toogtay askari la sheegay inuu ilaalo u ahaa gudoomiyaha degmada Howlwadaag kaasoo horrey u dilay wiil arday ahaa.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Maslax Ciise Iimaan  ayaa lagu toogtay goob fagaaro ah oo ku taalla dugsiga tababbarka ciidanka booliska ee Gen Kaahiye.

Dilka markii uu dhacay, waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha maxkamadda qalabka sida Korneel. Liibaan Cali Yaroow , wuxuu sheegay in askariga la dilay oo horrey ay maxkamadda u xukuntay uu horrey u dilay qof shacab ah.

Wuxu xusay  in askari walba oo dil u geysta qof shacab ah iyo cid walba oo dil geysata ay mudan doonto xukun kan la mid ah, isagoo intaas ku daray in askar badan oo dilal ku xukuman la toogan doono sida uu yiri.

Qaar ka mid ah dad daawanayyay xukunka saakay ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay ka codsadeen maxkamadda ciidanka qalabka sida inla dardar galiyo tallaabada laga qaadayo ciidamada dowladda ee dadka shacabka dhibaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com