Musuq-Maasuq xooggan oo hareeyay xarunta dad dhigista ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa soo baxaya warar sheegaya in musuq-maasuq ay ka billaabatay xarunta laga qaado warwada aqoonsiga ee (ID) taasoo dhawaan maamulka Gobalka Banaadir uu ka furay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo qasab looga dhigay muwaadiinta doonaya in ay dhoofaan iyo kuwa qaadanaya Baasaboorka, in ay qaataan warqaddan, haddana ma ahan mid si caddaalad ah loo heelo.

Waxaa dadka laga qaadaa lacago dheeri ah, haddii kale dhowr maalin ayey qaadaneysaa in helaan warqaddaas.

Dhibaatada jirta waxa weeye goobta laga bixiyo warqadda muwaadinnimada waa hal meel oo kaliye taasoo feel ay dadweynaha ugu jiraan maalo badan.

Tusaale marka aad rabto in aad hesho Passport iyo warqadda muwaadinnimada waa in aad bixiyaa 200 oo dollarka Maraykanka, laakin sidda saxda sidaas ma ahan oo waa 100 dollar dhammaan warqadda iyo Passaports.

“Muddo 20-cisho ayaan ku soo laabanayay xaruntan, welina ilaa hadda ma helin warqadda muwaadinnimada, waxaa goobta ka jirta musuq-maasuq” ayuu yiri qof ku sugnaa xarunta oo la hadlay Caasimada Online.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in ay jiraan dad lacago laaluush bixiya si ay u helaan warqadda aqoonsiga, balse wuxuu sheegay in goob walba oo laga dhoofo ama laga qaato warqadaha aqoonsiga ah sida baasaboorka la dhigay kambiyuutarro laga heli karo warbixinta qofka oo dhameystiran.waxbaa laga qaban doonaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com