Tirada iyo magacyada musharrixiinta u taagan xilka P/Land oo la shaaciyay

Garoowe (Caasimada Online) Guddiga doorashadda maamulka Puntand ayaa galabta shaaciyay tirada musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in xilka madaxweynaha ay u taagan yihiin ilaa 11-musharrax halka madaxweyne ku xigeenka ay u taagan yihiin 10 musharrax, kaddib markii uu soo dhammaaday xilliga loogu talagalay in ay soo gudibiyaan musharrixiinta oo galabta ku ekaa.

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa kala ah:

  1. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  2. Cali Xaaji Warsame
  3. Cadbiraxmaan Maxamed Faroole (oo ah madaxweynaha hadda xilka haya)
  4. Cabdiweli Maxamuud Gurey
  5. Shire Xaaji Faarax
  6. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
  7. Cabdullaahi Siciid Samanter
  8. Maxamed Cabdinuur Xirsi
  9. Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
  10. Cali Cabdi Awaare
  11. Cali Cabdulqaadir Yusuf

Xubnaha u taagan xilka madaxweyne kuxigeenka ayaa kala ah:

  1. Gen.Cabdisamad Cali Shire
  2. Cabdullaahi Xirsi Timacade
  3. Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
  4. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
  5. Maxamuud Caydiid Dirir
  6. Daahir Khaliif Maxamuud
  7. Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
  8. Maxamed Xirsi Ducaale
  9. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
  10. Xuseen Xaaji Xasan

Dhinaca kale, ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Wariyaha caasimada Online ee Garoowe oo ka mid ah wariyaal loo oggolaaday in ay si toos u tabiyaan doorashadda ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka socoto olole iyo qaban qaabo ku aadan doorashadda.

Waxaana musharrixiinta maanta ay la kulmeen dadweynaha reer Puntland, maalinta berrina waxa ay soo gudbin doonaan khudbadahooda ay ku soo bandhigayaan wax yaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleestaan doorashadda maalinta Arbacada ka dhaceysa aqalka baarlamaanka ee Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com