TARSAN oo ka shifay in mashruucyada dib u dhiska Xamar la musuq-maasuqo

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomihaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah sheegay mashaariicda loogu talagalay dib u dhiska caasimada Muqdisho la musuq maasuqay ama si qalad loo is-ticmaalay.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maanta ka hadlaayay kulan uu la qaatay guddoomiyahaasha gobalka Banaadir iyo hey’ad qaabilsan dib u dhiska Muqdisho oo lagu magacaabo SFF, ayaa sheegay 80% mashaariicda loogu talagalay Muqdisho in la musuq maasuqay.

Tarsan ayaa tilmaamay in mashaariicda ilaa hadda laga fuliyay Muqdisho ay yihiin kuwa aan loogu talagalin meelihii looga baahnaa ama faras magaalaha u ahaa caasimada sida uu yiri.

“Illaah ayaa idinku dhaariyay hey’ad ayaa noo dhistay xarun, iska daa in lagu nafciyo waxa ay noqotay in aan galino labo jibaar wax yaabaha lagu bixiyay waa khasaaro, hey’addaha ajaaniibta ee qandaraaska ku soo qaatay Soomaalida ee fadhiya Nairobi waxbo uma hayaan magaaladan” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiye Tarsan waxaa uu carabka ku adkeeyay in shaqaalaha ajaaniibta ee haya mashaariicda laga Muqdisho lagu badalo dad Soomaali ah maadama ay aqoon badan u lee yihiin baahida Soomaalida sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu xukuumadda cusub ugu baaqay in ay dabagal ku sameeyaan mashaariicda hey’addaha caalamka ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

“Magaaladan malaayiin doollar ayaa lagu bixiyay haddana ma jirto meel la taaban karo oo wax looga qabtay, hey’addaha caalamiga iyo NGO-yda la mataanoobay iyaga ayaa qaatay inta badan lacagtaas, oo laga soo qaaday QM iyo beesha caalamka”

Tarsan ayaa xusay in la joojiyo  Erayga ah “Capacity Building” waayo sas ayaan ka qaadnay ayuu yiri.

“Hey’addaha iyo NGO-yada waa kuwa ku heshiiyay qorshe 20-kii sanno ee la soo dhaafay soo socday oo ah aan kala goosano 80% adiga qaado 20% adiga qaado, Hey’addaha ku bar waaqoobay ee guryaha waaweyn ka dhisrtay mashaariicda loogu talagalay Magaaladan” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com