Xildhibaannada BF Somalia oo maanta dood aad u adag ka yeeshay….!

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dood aad u culus ka yeeshay arrimaha kalluumeesiga iyo xadeynta badda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa muujiyay in uu jirro qorshe laga lee yahay siddii loola wareegi lahaa qaybo ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana arrintaas wada ay yiraahdeen waddamo dano gaar ah leh.

Waxa ay sheegeen in ayaan daro ay tahay in ay soo noq-noqoto arrimaha badda Soomaaliya, waxaana ay codsadeen in arrimahaas il gaar ah loo yeesho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay jiraan waddamo in ay boobaan badda Soomaaliya isla markaana ay gurtaan kheyraadka alle uu ku maneestay dalkan.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in beesha caalamka ay u soo dirto Soomaaliya maraakiib shisheey kuwaasoo xaalufin kuwada badda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa guddoonka baarlamaanka ka codsaday in arrimahan dib loo dhigo maadama dowlado horrey u soo maray Soomaaliya ay ku fashilmeen markii ay faraha lagaleen.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka hadlay guddiga kalluumeesiga iyo kheyraadka badda ee ku jirra baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo arrintan gacanta ku haya.

Si kastaba, dad badan oo ku xeel dheer arrimaha badda waxa ay lee yihiin maxay tahay wax yaabaha soo celceliya in baarlamaanka iyo madaxda dowladda ay kahadleen badda Soomaaliya .

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com