Abwaan caan ahaa oo geeriyooday !!!!

Djabuti (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti allaha ha u naxariisto Abwaan Aw Jamac Cumar Ciise.

Qoraaga Axmed Faarax Idaajaa, ayaa caawa u sheegay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho in abwaan uu ku geeriyooday caawa dalka Jabuuti isagoo da’diisa ay tahay 91-jir.

Wuxuu sheegay AUN Abwaanka ayaa ku dhashay magaalada Laasacaanood sannadkii 1922-dii, waxaana uu ka mid ahaa abwaanada caanka ah ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan wuxuu ahaa nin aruuriya isla markaana qora suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.

Abwaanka ayaa waxbarashadiisa ku qaatay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Muqdisho sida uu sheegay Axmed Faarax Idaajaa oo ah nin wax badan ka qora gabayada iyo heesaha Soomaalida.

AUN Abwaan Aw Jaamac ayaa tam iyo markii dagaalada sokeeye ay ka dilaaceen Soomaaliya wuxuu ku noolaa dalka Jabuuti halkaas oo la sheegay in uu ka daganaa gurri uu siiyay madaxweynaha Jabuuti isaga iyo qoyskiisa.

Haddaba Maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Oneline waxa ay tacsi qaas ah u dirayaan qoyska iyo bahda uu ka baxay gaar ahaan abwaaniinta iyo qorayaasha Soomaalida AUN Abwaan Aw Jaamac, waxaana ay lee yihiin samir iyo iimaan allaha idinka siiyo. Aamiin Aamiin

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djabuti

Caasimada@live.com