Soomaali ku ga’doonsan K/Sudan oo maanta Muqdisho kusoo wajahan

Juba (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ku soo wajahan qaybtii labaad ee Soomaalida laga soo daad gureenaayo dalka Koonfurta Sudan oo bishii horre uu ka dilaacay dagaal sokeeye oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku barakaceen.

Mid ka mid ganacsatada Soomaalida ee ku nool Juba oo hadda sugan safaarada Soomaalida ee halkaas ku taalla ayaa BBC-da u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dib ugu laabto dalkiisa.

Wuxuu sheegay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay ka dilaaceen Koonfurt Sudan in ay ku go’doonsanaayeen xarumo QM ay ku lee dahay dalkaas.

Wuxuu sheegay oo kale in wixii ganacsi ee ay ku lahaayeen Koonfurta Sudan la boobay sida uu yiri.

Toddobaadkii horre ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda ay ka soo daad gureeneysay Koonfurta Sudan 131-qof oo isugu jiray dumar, carruur iyo rag kuwaasoo ka soo cararay collaada ka taagan Koonfurta Sudan.

Dagaallada ka socda Koonfurta Sudan waxaa ku dhintay Soomaali badan kuwa kalena wixii hanti ay lahaayeen ayaa la dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com