Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald John Trump ayaa xiriir dhanka Teleefanka ah la sameeyay Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, kadib markii ay sii fogaatay xiisada kala dhexeysa Sacuudiga.
Donald John Trump, ayaa amiirka kala hadlay Xiisada dalkiisa kala dhexeysa Sacuudiga, waxa uuna aad u dhaliilay sida ay Qadar u muujineyso colaada ba’an ee kala dhexeysa Sacuudiga.
Donald John Trump, ayaa amiirka ku amray inuu qaboojiyo xiisada, waxa uuna taa bedelkeeda u sheegay in dowlada Mareykanka ay dooneyso midowga wadamada Khaliijka.
Donald John Trump, waxa uu Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, usoo bandhigay inay qirtaan waxyaabaha dhaliyay xiisada, waxa uuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la helo midowga wadamada Khaliijka.
Sidoo kale, Trump waxa uu Amiirka ku wargaliyay inay doonayaan in dowladaha uu khilaafka ka dhexeeyo u heshiiyaan si shuruud la’aan ah, iyadoo la tixgalinaayo xiriirkii hore ee soo jireenka ah.
Dhinaca kale, Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa Trump u cadeeyay in xiisada ay tahay mid uu isaga horboodayo, waxa uuna dhankiisa ka sheegay in Qadar ay diyaar u tahay wadahadal, balse ay doonayaan inaan dib loo soo faagin xiisada, iyadoo Dowlada Mareykanka ay ka shaqeyn doonto xalinta xiisada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]