29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxaa kala socotaa tirada ciidamada Qadar ee lagu daadiyay xadka ay la wadaagto Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Warbaahinta caalamka ayaa baahisay in Dowlada Qadar ay ciidamo dheeri ah geysay Xadka ay la wadaagto dowlada Sacuudiga.

Ciidamada la geeyay xadka ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa 3,700 kuwaa oo la sheegay in lagu amray xaqiijinta amniga xadka kala beyra dowladaha Qadar iyo Sacuudiga.

Ciidamada militeriga Qadar ee la geeyay xadka ayaa laga soo saaray keydka Ciidamada dowlada Qadar, kuwaa oo la howlgaliyo xiliyada uu qalqal amni dareemo dalka Qadar.

Dowlada Qadar oo dafireysa ciidamada la geeyay xadka ayaa sheegtay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo ku shaqo leh gaafmeerka xuduudaha dalka.

Dowlada Qadar waxa ay sidoo kale beenisay ciidamada la geeyay xadka waxa ayna tilmaantay inaanu jirin sabab ay xiligaani ciidamo u geyso Xadkeeda.

Dhinaca kale, Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay kordhineyso ciidamada ay u direyso dalka Qadar, ee ka qeybqaadan doona xasilinta xiisada taagan.

CaasimadaOnline
Xafiiska Abu Dhabi 
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News