25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Maxay ku saabsan tahay fariiinta ay ahlusunna u dirtay DF Soomaaliya?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa fariin u diray dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Hay’adaha ku shaqada leh gargaarka bani’aadanimo.

Hogaamiyaha ayaa fariintiisa ku socta dowlada iyo Hay’adaha ku sheegay mid gurmad loogu dalbaayo dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan deegaanada uu ka arimiyo maamulka.

Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in dowlada Federaalka iyo Hay’adaha gargaarka ay gabeen mas’uuliyadii ka saarneyd garab istaaga shacabka uu sheegay in xiligaani ay yihiin kuwo ku nool xaalad adag.

Waxa uu ku baaqay in dadka ku nool deegaanada maamulka lala gaaro gurmad degdeg ah ka hor inta aysan sii baahin dhibta iminka heysata.

Hogaamiyaha ayaa hadalkaani ka sheegay kulan uu saacado ka hor la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Gargaarka ee ka howlgalla degaanada maamulka Ahlusunna, halka dowlada Federaalka ahna uu u diray fariin.

Sidoo kale, nolol xumi ka dhalatay abaaraha ayaa kusii faafeysa dhammaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka, waxaana jira gurmad la’aan soo foodsaartay maamulka.

Dhinaca kale, qeyla dhaanta maamulka ayaa muujineysa heerka ay gaarsiisan tahay abaarta ka jirta deegaanada maamulka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News