Sawirro: Kheyre oo Bankiga Dhexe ee dalka ka dalbay hal arrin oo ahmiyad u leh dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali khayre oo kormeer shaqo ku tagay Bankiga dhexe ee Somalia, ayaa maamulka Bankiga kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin lacagaha SH/SO ee sii baaba’aysa.

Ra’isul wasaaraha oo xarunta Bankiga kula kulmay mas’uuliyiin ka tursan maamulka ayaa ku wargaliyay in dowlada Federaalka ah ay ilgaara ku heyso Bankiga, loona baahan yahay inay iska tiiriyaan howsha adag oo ay eedu dabataal.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu maamulka ka dalbaday saarista lacago cusub oo SH/SO ah oo bedeli doonto midda hadda jirta.

Waxa uu sheegay in lacagta hadda laga isticmaalo Somalia ay tahay mid sii naxuuseysa isla markaana kasii liidaneysa sida ay iminka tahay, loona baahan yahay inay la imaadan lacago ka wanaagsan tan iminka la isticmaalo.

Kheyre waxa uu maamulka Bankiga u sheegay inay muhiimada leedahay soo saarista lacago cusub oo dalku yeesho, tayeynta SH/So iyo qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo lacagta faalsada ah.

Sidoo kale, maamulka Bankiga ayaa soo dhaweeyay dalabka uu soo jeediyay Ra’isul wasaare Kheyre, waxa ayna bidhaamiyeen inay jirto duruufo kala duwan oo dhanka dhaqaalaha ka heysta Bankiga, balse ay qaadi doonaan talaabo lagu soo nooleynaayo lacagta Sh/So ee hadda sii dhamaaneysa.

Geesta kale, Kheyre iyo maamulka Bankiga ayaa isla fahmay in la dardar galiyo howlaha uu Bankiga u hayo Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.