Sawirro: Hay’adda Jamaal Elmi Foundation oo soo qaban qaabisay tartan sport

Muqdisho (Caasimadda Online)– Tartan Kubadda cagta ah oo xiiso badan ayaa shalay ku dhexmaray 2 kooxood Ex. Dugsigii hoose dhexe ee Maxamuud Mire ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Tartankan, wuxuu dhexmaray Kooxaha DVS33 & Kooxda [Stichting Jamaal Elmi].

Bilowga ciyaarta labada kooxood waxey ku soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u adag oo dadweynihii daawashadeeda ka soo qeybgaley ay aad ugu maqsuudeen. Kooxda DVS33 (Ermelo) ayaa waxeey garoonka la soo galeen dar-dar aan horey looga baran waxaana u suurto gashey inay 3 gool oo darandoori ah ka dhaliyaan kooxdii ka soo horjeeday ee Stich Jamaal Elmi.

Ciyaartoyda Nambarka 9-aad, 10-aad & 7-aad ayaa u kala dhaliyey goolasha, waxaanna qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo idlaatay 3 iyo 0.

Markii la isugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta ayeey kooxdii ku ciyaareysay Magaca Sticht Jamaal Elmi Foundation ay la soo baxday dardar cusub taas oo u suurtagelisay inay 2 gool oo darandoori ah ku hubsadaan shabaqa kooxda kale, iyaga oo dhowr gool oo kalena sigay kuna dhowaaday inay ciyaarta barbaro ka dhigaan, hasse ahaatee ciyaarta oo daqiiqado kooban ka harsan ayeey ku guuleysteen in ay dhaliyaan Goolkii bareejada.

90-kii daqiiqo ee loogu talogalay ciyaarta markii ay dhammaatay, 2-dii kooxoodna ay isla dhaafi waayeen 3 iyo 3 ayaa waxaa lagu kala baxay Rigoorayaal waxaanna 4 iyo 5 ay guushu ku raacday kooxda DVS33 oo la hoyatay koobkii.

Gagabadii ciyaarta waxaa ka hadlay Guddoomiyha Badbaadinta Sportiga Soomaaliya Cabdalla Cumar Cali (Cabdalla Quuq) oo ka mid ahaa ciyaartoyda kooxdii Batroolka & Xulka Qaranka Soomaaliya, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyey Hay’adda JEF oo soo qabanqaabisay tartanka, isaga oo ku booriyey daýarta u ciyaarayey 2da kooxood in ay kordhiyaan xirfadooda dhanka ciyaarta.

“Isboortigu waa middeeye, waanna hiwaayad dhalinyaradu ay ku mashquuli karaan, da’yartu waa in ay isu gudbiyaan shuruucda isboortigu leeyahay oo ay ugu horreyso in la is xushmeeyo, lagana reebtoonaado hadalada ficilka & xamaasada xambaarsan” Ayuu yiri Cabdalla Quuq.

Faysal Cabdullaahi Yuusuf oo ka mid ah maamulka Iskuulka ayaa kooxda DVS33 guddoonsiiyey koobka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com