26 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Qorshaha halista badan ee Imaaraadka maxay indhaha uga fiirsanayaan madaxda DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda ugu sareysa dalka ayaa indhaha ka daboolaneysa hagar-daamada ay dowladda Imaaradka Carabtu ku heyso Soomaaliya, laakiin mararka qaar waxay u sheegaan si maldahan, kamana muuqato geesinimo ay ku qaadan karaan go’aan lamid ah kii xukuumadii Xasan Cali Kheyre ay xiriirka ugu jirtay, dalkana uga saartay.

Xalay oo ugu dambeysay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa muujiyey inay tuhmayaan inay jiraan dowlado shisheeye oo mucaaradka lacago soo siinaya, si ay qalalaase amni uga bilaabaan dalka, loona diido doorashooyinka, dagaalka argagixisada iyo dhamaan qorshayaasha dowladda.

Horay Madaxweybe Xasan Sheekh ayaa u miijiyey walaaciisa tallaabooyinka ay qaadayaan Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya, hadana wuxuu hoosta ka xariiqay inay ixtiraamayaan oo hadda aysan diyaar u aheyn inay la kala dhintaan dowlad sidaas saameyn u leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo yeertay xog sheegeysa in Imaaraadka ay lacag u soo dhiibayaan qaar kamid ah mucaaradka, kuwaas oo qorsheynaya inay ka hortagaan doorashada dadweynaha, dagaalka argagixisada, gudaha Muqdishana ka bilaabaan qalaalaase, ilaa xukuumadda lagu qasbo inay u soo laabato doorasho dadban.

Xamse xalay kulan fursan kula hadlaayey dhallinyarada Muqdisho ayaa yiri, “Waxaa jira dowlado aad idinkuba garaneysaan oo markii xiliyadaan oo kale la soo gaaro ay shaqadoodu tahay inay kala laaluushaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo soo siiya lacago aan micno laheyn, kuwaas oo lagu yiraahdo orod waxaas diid, halkaas qarxi iyo waxaas hor istaag.”

Ra’iisul Wasaraha ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ogahay ragga dhahayana ay ogyihiin in hadallada qaar ay yihiin xisaab xir iyo farriimo loo dirayo dowladahaas shisheeye, waan fahmeynaa dhagartooda, dhaqaale yar oo dalkaan in lagu qaso lagu soo qaatay dadka Soomaaliyeed ma dhaafsa doonaan mustaqbalkooda.”

Horay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay in Imaaraadku ay Soomaaliya ula dhaqmaan siyaabo aan habooneyn, balse markii ugu dambeysay ay balan qaadeen inay joojinayaan ficiladooda xad-gudubka ah.

Hadda waxaa la sheegay inay sameysteen dalaal rasmi ah oo ku jira madaxda dowlad goboleedyada, waxayna qorsheeyeen inay bilaabaan qalalaase aan horay loo arag oo ay uga hortegayaan qorshaha lagu qodayo shidaalka Soomaaliya oo Turkigu gacanta ku hayo.

Mucaaradka ayaa la sheegay inay hubeynayaan, dagaalka Al_Shabaab ayaa sidoo kale la qorsheeyey in dowladda lagu fashiliyo, iyadoo ugu dambeyntiina gudaha Muqdisho lagu haminayo in ciidamo hubeysan lasoo geliyo, si talada dalka looga wareejiyo Xasan Sheekh ooh adda hal sano u dhiman tahay.

Puntland iyo Jubbaland oo dowladda federaalka ay isku dhacsan yihiin ayuu saaxiibka koowaad ka dhigtay Imaaraadku, dhowaan waxaa la sheegay in safkooda u uku biiray Laftagareen, horay waxay si gaar ah ula macaamili jireen Somaliland, waxayna Soomaaliya ka jecelyihiin Itoobiya oo ay la safteen markii uu qarxay khilaafkii ka dhashay heshiiskii uu sanadkii hore Addis Ababa ku saxiixay Muuse Biixi.

- Advertisement -

Read more

Local News