Maxay muujineysaa in madaxweyne Farmaajo uusan weli ka hadal xasuuqii Gololey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ilaa hadda ka hadlin dilkii foosha xumaa ee maalmo ka hor ka dhacay degaanka Golaley ee degmada Balcad, kaasi oo lagu xasuuqay sideed dhallinyaro oo ahaa aqoonyahano xirfadleyaal caafimaad ah.

Madaxweynaha oo ku sugan Muqdisho islamarkaana ay gaartay xasuuqii dhacay, ayaa ilaa hadda dareenkiisa la wadaagin shacabka waxaana soo baxaya eedeymo loo jeedinayo.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si deg deg ah uga tacsiyeeyo dhibaatooyinka soo gaara dalalka kale muwaadiniintooda ayaa wax culeys ah ka soo qaadin dil wadareedkii dhacay, kaas oo loo geystay dhalinyaro Jaamiciyiin xirfadleyaal caafimaad ahaa.

“Madaxweynaha oo ka tacsiyeen jiray shil diyaaradeed iyo dad badda kaga dhintay dowlado shishiye ilaa hadda kama uusan hadlin dhaqaatiirtii la laayay,” ayuu yiri Cabdi Axmed Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanada Muqdisho.

“Waxay ku tuseysa qalbi iyo damqasho la’aanta madaxweynaha, iyo sida agtiisa aysan qiimo uga lahayn dhiigga shacabka Soomaaliyeed, waayo dilkan ma ahan dil caadi ah, wuxuu ahaa dad bulshada qiimo weyn ugu fadhiyey oo la xasuuqay” ayuu yiri Cabdi.

“Waxaa macquul ah in haddii dhibku ka dhici lahaa gobollada kale ee Soomaaliya qaarkood uu madaxweynaha deg deg uga falcelin lahaa.”

Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka ee gobalka Banaadir ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul ku eedeeyay in aysan bulshada la wadaagin dareenkooda ku aadan musiibadii Balcad.

“Waa wax laga xumaado in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ilaa hadda ka hadlin musiibadii Golaley ee degmada Balcad,” ayuu yiri Cusmaan Muxudiin Shaatax oo ah guddoomiyaha ururada Bulshada Rayidka oo warbaahinta la hadlay.

Caasimada Online oo saraakiisha Villa Somalia wax ka weydiisay sababta madaxweynaha arrintan uga hadli la’yahay iyo eedeymaha loo jeediyey, waa ay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan.

Guddiyo ka kala socda dowladda Somalia iyo maamulka HirShabelle ayaa caawa ku hoyana degaanka Golaley waxaana la sheegay in ay maanta la kulmeen dadka degaanka. Golaley waxaa dul hoganaya murugo iyo uur ku taalo xanuun badan.