30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Maxay Puntland ka tiri dagaalka Liyuu Boolis?!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalada maalmahaan ka dhacaya xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, kuwaasi oo dhashay markii ciidamada Liyuu boolis dad reer miyi ah ay weerareen.

Saraakiisha maamulka Puntland iyo maamulka gobolka Mudug oo aan la hadalnay ayaa muujiyay ineysan ka qeyb aheyn dagaalo ka dhacay deegaanada gobolka Galgaduud ee ku yaala dhanka xuduuda, iyaga oo sheegay iney ka xun yihiin waxa dhacaya.

Saraakiisha oo ka gaabsaday in lasoo xigto ayaa sheegay in dagaaladaasi marnaba aysan ka qeyb galin ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, laakiin ciidamada Puntland ay heegan kaga jiraan waxyaabo ka dhaca deegaanada maamulkooda.

Waxay sheegeen in Puntland amaan ahaan isku filan tahay, ayna la dagaalami doonaan cid walbaa oo kusoo xad gudubtaa amaanka deegaanka Saaxo iyo deegaanada kale ee xuduuda ku yaala.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe 
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News