28.2 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Maxay PUNTLAND ka tiri ciidamadeeda ku biiray DF?

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa meesha ka saaray inay jiraan ciidan federaal oo ay aqoonsan tahay oo ku sugan deegaannadeeda, xilli ay dhawaan Dowladda Federaalka shaacisay in ciidamo ka tirsanaa maamulkaasi ay ku biireen Federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo arrintaan ka hadashay ayaa sidoo kale sheegtay in uusan jirin heshiis amni oo ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka.

“Dowladda Puntland waxay caddaynaynaa in aysan jirn wax ciidan ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee Puntland oo ay u aqoonsan tahay in ay joogaan gudaheeda, mana jiro heshiis amni (Securety architect) oo ka dhaxeeya labada dhinac,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in haddii ciidamo uusan ogayn maamulka laga qoro deegaannadeeda in wixii dhib ah oo arrintaas ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Sidaa awgeed wixii dhib ah oo ka yimaadana maleeshiyada ay xukuumadda Xamar qiratay in ay ka qoronaysa Puntland masuuliyadeeda iyada ayaa qaadaysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay u mahad-celisay saaxiibadeeda caalamiga ah ee ka caawiya dagaalka ay Puntland ka waddo buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ee ay ka mid yihiin USA, UAE, UK, Ethiopia iyo Kenya.

” Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysa shacabka reer Puntland gudo iyo dibadba oo markasta garab taagan dawladooda, la aantoodna aysan suuto-gal ahaateen in cadawga argagixisada ah laga guulaysto.”

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegtay in ciidamada PSF ee Puntland oo hore Mareykanku u taageeri jiray ay si sharci ah ugu biireen ciidamada qaranka.

Dhamaadkii October ayey aheyd markii Dowladda Federaalka ay mushaar u dirtay in ka badan 2,500 askari oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, kuwaas oo helay lacag dhan $200 midkiiba.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, lacagtan oo qeyb ka aheyd mushaarka ay bixiso dowladda dhexe ayaa lagu wareejiyay hab bangi ah, iyadoo fariimaha lacag dirista ee la arkay ay muujinayaan in askartan ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Ciidamada lacagta la siiyay ayaa waxay u badan yihiin qaybaha PSF ee Boosaaso ku sugan iyo cutubyada Danab ee uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale, kuwaas oo fariisimo ku leh magaalada Garoowe.

Ciidamadaas ayaa la sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo aragti ahaan is-hayaan uu ka jartay mushaharkii ay qaadan jireen, taas oo sababtay caro iyo cabasho ciidan xoog leh. Sidoo kale, ilo kale ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee jooga magaalada Gaalkacyo ay iyaguna heleen lacagtaas.

Bixinta lacagahaas ayaa kusoo aaday xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan sheegay in ciidamo federaal ah ay ku sugan yihiin gudaha Puntland.

Ciidamadan oo Madaxweynuhu sheegay in ay joogaan meelo kamid ah maamulka Puntland, ayuu tilmaamay inay geli karaan dagaalka ka socda Calmiskaad, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa markaas xusay in dagaalkan uu yahay mid ballaaran, ayna qayb ka yihiin saaxibada caalamiga ah oo ay ka wada shaqeeyaan howlgallada ka dhacaya dalka.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacish-na caalamka waa nagu kaalmeynayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal-hayay inay jiraan ciidamo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qoratay deegaannada Puntland, taas oo abuurtay xiisad xooggan, maadaama haatan khilaaf xooggan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News