Maxay reer Hiiraan uga dhigan tahay magacaabista golaha wasiirada HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Ayada oo xalay saq-dhexe madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe uu magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowleyaal ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Cali Guudlaawe oo labo sano ay ku qaadatay inuu soo dhiso xukuumaddaan cusub ayaa durbo kala kulmay dhaleeceyn xoogan oo uga imaaneysa dhinaca reer Hiiraan.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka ka soo jeeda Hiiraan ayaa si weyn u dhaliilay liiska golaha wasiirada ee uu ku dhowaaqay madaxweynaha HirShabelle.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnahaas oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba ku qanacsaneyn wasiirada cusub ee la soo magacaabay iyo guud ahaan hab dhismeedka dowlad goboleedka HirShabelle.

“Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada HirShabelle iyo sida aay wax ku soc’daan, Waxaan baadi goob u’galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh HirShabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan baadi goob uu sheegay inay ugu jiraan xaq ka maqan reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in aysan xal u arkin wasaaradaha loo kala wareejiyey laba beelood, sida ka muuqata golaha wasiirada cusub ee HirShabelle.

“Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa naga maqan Wasaaradaha loo’kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanku.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo isna ka soo jeeda Hiiraan ayaa ka hadlay arrintaan, wuxuuna si adag uga horyimid xukuumadda uu soo dhisay Guudlaawe.

“HirShabelle Geel markii loo heeso goronyo ayey u heestaa, dadkeygoow haba ku mashquulina HirShabelle sidii aad u diideen ha ahaato, waqti badan, hanti iyo dhiig ayaa idinka galay in aad heshaan maamul labadaas gobol ah oo loo dhan yahay nasiib wanaag maanta matalaad dhab ah oo idin hor boodo ayaad heysataan” ayuu yiri Maxamed Buraale.

HirShabelle ayaa mudo dheer ku jirtay khilaafaad dhanka maamulka ah taas oo ka dhalatay doorashadii madaxweyne Guudlaawe, waxayna taas hoos u dhigtay horumarkii maamulka.