Maxay Rooble iyo Qoor Qoor uga dhigan tahay sida loogu kala adkaaday HOP#69?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Galmudug ayaa xalay sii deysay guddiga soo xulayo ergada dooraneysa saddexda kursi ee ugu adag kuraasta ku dhiman magaalada Gaalkacyo.

Lix kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa weli ku dhiman caasimadda Mudug, sadddexda kursi ee xalay guddigooda la shaaciyey waxaa la dooran doonaa maalinta Berri ah, iyadoo musharixiinta ay maanta qaateen shahaadada musharaxnimada.

Kursiga sida weyn isha loogu wada-hayey wuxuu ahaa Kursiga HOP#069. Kursigaan oo uu ku fadhiyey wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa sanadkaan damac uu kasoo galay Cabdiraxamaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee xukuumadda xil-gaarsiinta ah.

Labada nin waxay muujiyeen sanadkii lasoo dhaafay olole xooggan, waana sababta loolanka kursiga ka dhigtay mid aad u adag.

Laakiin wax badan ayaa isbadalay muddooyinkii lasoo dhaafay, Al-Cadaala oo mar si weyn ugu dhawaa Qoor Qoor ayaa halmar masaafo weyn hoos u dhacay, halka Odawaa uu masaafo xoog leh usoo dhaqaaqay dhanka Qoor Qoor. Arrimahaan waxaa sal u ahaa isbadbadalka xaalka siyaasiga ee dalka.

Dhawaan waxaa idiin sheegnay in Rooble iyo Cabdikariin Guuleed ay kaga adkaadeen Qoor Qoor loolanka kursiga HOP#60, balse ay adag tahay inuu aqbalo Qoor Qoor inay ka fara maroojiyaan HOP#069.

Guuleed iyo Rooble waxay dhisayeen Al-Cadaala, laakiin wuxuu Qoor Qoor muujiyey inuusan ka aqbaleyn inay kursiga kale ka fara maroojiyaan.

Labada nin ee Odawaa iyo Cadaala meesha lagu kala saarayey ama lagu fahmayey halka uu Qoor Qoor u socdo waxay aheyd guddiyada xulaya ergada.

Al-Cadaala wuxuu gudbistay shan xubnood oo uu rabay inay guddi u noqdaan si ergada uu rabo ay usoo qoraan, halka Odawaa uu isna soo qortay lix xubnood oo uu rabay inay guddi u noqdaan oo ay ergadiisa usoo qoraan si uu kursiga u qaato.

Maadaama uu Qoor Qoor go’aansaday inuu mabada Nin midna reebo midna abaal gashado waxaa la eegaayey ninka la tuuro guddigiisa.

Xalay saq dhexe ayaa lasoo saaray guddigii xulayey ergada Kursigaan, waxaana la qaatay guddigii uu gudbiyey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo kursiga horey ugu fadhiyey, taasoo si  rasmi ah usoo afjartay ololihii Al-Cadaala ee kursigaan.

Dad badan oo siyaasadda Soomaaliya xog-ogaal u ah kuma aheyn lama filaan oo maalmahaan dhan ayey suuqa taalay in Odawaa la siinayo kursiga, si gaar ah markii Qoor Qoor looga adkaaday kursigii HOP#60 waxaa la ogaa in Rooble-na looga adkaan doono HOP#069.

Al-Cadaala markii uu ogaaday in kursigii looga adkaaday wuxuu durba muujiyey biseyl siyaasi ah isagoo booqday Odawaa uguna hambalyeey guusha. Qoraal uu faafiyey wuxuu ku sheegay inuu la shaqeyn doono xildhibaanka.

Odawaa ayaa isna farriintaas wuxuu uga jawaabay farriin kale isagoo u mahadceliyey Al-Cadaala oo aqbalay in kursigii looga adkaaday.

Maxay ka dhigan tahay arrintaan?

Siyaasad ahaan Qoor Qoor iyo Rooble waa sii kala fogaadeyn wixii ka dambeeyey markii la guda galay kuraasta taalay magaalada Gaalkacyo. Laba kursi oo ay si weyn isugu cariiriyeen midba kursi ayuu ku adkaaday.

Waxay ka dhigan tahay in doorashada heer Federaal aysan isku aragti ka aheyn oo ay laba jiho kala aadeen.

Hoggaamiyaha Galmudug wuxuu u muuqdaa inuu ka jawaabay baaqyada dadka wax ku oolka ah ee Galmudug, musharixiinta mucaaradka qaar, ganacsatada waaweyn ee Galmudug kasoo jeeda iyo cabirka beeshiisa, kuwaas oo dhammaan dalbanayey in Cabdiraxmaan Odawaa lagu soo celiyo kursigaan.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor shaqo badan ayuu la qabtay Al-Cadaala, waxaana la sheegaa inuu isaga sabab u ahaa in la siiyo xilka wasiir ku xigeenka warfaafinta, laakiin bilihii lasoo dhaafay waa iska dhigay mana sahlaneyn in Qoor Qoor siyaasi uu abuuranayey inuu ka guuru oo uu u guuro Nin ay siyaasad ahaan kala aragti duwan yihiin.

Inuu odawaa kursiga soo siiyey waxay Qoor Qoor ka dhigtay ama ay muujineysaa inuu yahay Nin aan baqdin badan ka qabin siyaasiyiinta fooqa sare ee Beeshiisa, Nin ogol loolan una diyaarsan inuu diiwaan geliyo cutub cusub oo siyaasi ah.