Maxay SOMALILAND ku beddelatay maxaabiistii Puntland ee ay sii daysay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Kheyraadka Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay sii deyntii maxaabiista Puntland

Xildhibaan Siciida Gaane ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu deg-deg ku saleyn go’aamada uu qaadanayo, oo uu ka fiirsado.

Xildhibaan Gaane ayaa waxa kale oo uu sheegay in Muuse Biixi uu weli u dhaqmayo sidii uu yahay guddoomiye xisbi Mucaarid, isagoo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri

“Markay Wadamadu dagaal dhexmaro, inta badan Maxaabista la kala qabsado waa la isku sii daaya, waana la is weydaarsadaa, weyna fiicantahay in Maxaabiista la sii daayo, laakiin muhiimada ayaa ah Somaliland maxay ku bedelatay Maxaabista la sii daayey, ilaa hadda wax muuqda oo ay ku bedelatay oo ay inoo sheegtayna ma jirto”

“Inta ay Maxaabiis sii daynaysana waxaan oran lahaa waxaa jiri kara dad badan oo bilaa xukuna oo iska xidhan, waxaa laga yaaba inay jiraan dad badan oo reer Somaliland ah oo masaakiin ah, oo laga yaabo inay dulmi iyo cadaalad daro u xidhan, ee Xukuumadda waxaa laga rabay inay baaris ku sameeyso dadkaas masaakiinta ah ee jeelasha iyo saldhigyada buuxa ee xidhan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xukuumaddan Muuse Biixi deg deg iyo fududayd ayaa ku jira, waxaana laga yaaba oo muuqda inay wali Mucaarad isku haysato, balse waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse Biixi wali ha is moodin inaad tahay Mucaarad, ee waxaad tahay Madaxweynihii qaranka ee wax walba deganaan ku xali”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com