Maxay tahay arrinta Farmaajo ‘uu rabay’ in musharaxiinta mucaaradka ku dhaqaaqaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu rabay in mucaaridka ay kacaan oo dagaal bilaaban si xaalada dalka u gasho meel aan kasoo kabasho laheyn.

Xasan ayaa sheegay in madaxda mucaaridka ay ka baaqsadeen in dalka ka dhaco dagaal cadaadis kasta oo uu saaro madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo lagu eedeynayo inuu hortaagan yahay in heshiis laga gaaro doorashada dalka.

“Dowladda uu mas’uulka ka ahaa madaxweynihii hore Farmaajo in badan ayey isku dayday inay na geliso meel intaan caroono aan ku qeylo dhaamino waryaa tol-ahey?,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka oo wareysi siiyey idaacada KNN.

“Garoonka ka celi, wiilasha istaafkeyga ahaa mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ka jar, gunadeydii madaxweyne hore qaar kala har, waxaas oo dhan waxuu uga dan lahaa inta caroodaan ha dagaalamaan.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ay madaxda dowladdu daan-daansi ku hayeen, isaga iyo madax kale, balse aysan bixin jawaabtii laga doonayey oo uu qabo inay tahay gacan ka hadal.

Si kastaba, Xaalada cakiran ee dalka ayaa la aamisan yahay inay kasii dari laheyd haddii ay madaxda mucaaridka iclaamin lahaayeen dagaal ka dhan ah dowladda waqtigeeda dhamaaday, kadib dhacdooyinkii u dambeeyay ee sida tooska ah loogu beegsaday.