25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Maxay tahay arrinta IMF ay ka digeyso ee Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa si weyn uga digtay saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay IMF ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaan keeni karto korodhka saboolnimada, cunno-yarida, hoos u dhac ku yimaada horumarka bulshada, iyo carqalad ku timaadda dhismaha hay’adaha dowladda.

Bayaanka IMF ayaa si cad u muujiyay in taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamiga ah ay tahay mid muhiim u ah hirgelinta siyaasadaha dowladda Soomaaliya, xilli uu sareeyo halista dhaqaale iyo hubanti la’aanta dalka ka jirta. Hay’addu waxay sheegtay in taageeradaasi ay fure u tahay xasilloonida iyo horumarinta nidaamka dhaqaale ee dalka.

Warbixin cusub oo ay IMF soo saartay ayaa lagu sheegay in saadaasha dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadka 2025 ay weli ku jirto mugdi, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah, xaaladaha cimilo ee aan degganayn, iyo duruufo kale oo gudaha ah. Hay’addu waxay tilmaamtay in arrimahan ay caqabad ku noqon karaan dadaallada horumarineed.

Dhinaca kale, IMF waxay shaacisay in ay Soomaaliya la gaartay heshiis heer shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegistii saddexaad ee barnaamijka Kaalmada Deyn-bixinta Dheer (Extended Credit Facility – ECF), taasoo qayb ka ah qorshaha guud ee lagu taageerayo dhaqaalaha dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu gogol xaar u yahay in Soomaaliya loo sii daayo lacag dhan $10 milyan oo doollar, inkastoo tallaabadaas ay weli sugayso ansixinta Guddiga Sare ee IMF. Lacagtan ayaa lagu talagalay in ay gacan ka geysato xoojinta miisaaniyadda dowladda iyo mashaariicda horumarineed.

IMF ayaa sidoo kale sheegtay in inkastoo dib-u-habeynta maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah u socoto, haddana ay tahay arrin mudan in la dardargeliyo, si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, kalsooni leh, una adeegaya baahida shacabka.

Hay’addu waxay ugu dambeyn ku boorisay beesha caalamka in ay sii joogteeyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyadoo la eegayo duruufaha adag ee dalka ka jira iyo baahida loo qabo in la helo dhaqaale lagu horumariyo adeegyada bulshada, lana taageero xasilloonida iyo horumarka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News