25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Fahad oo shaaciyey qorshe xasaasi ah oo dal Carbeed u igmaday siyaasiyiin sare

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ifiyay qorshe xasaasi ah oo dowlad Carbaad ay u igmatay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladdan Carbeed oo Fahad uu ku sheegay Imaaraadka Carabta ayaa waxay bilowday inay xiriirro la yeelato qaar ka mid musharaxiinta, ayna ka dalbato in Dowladda Federaalka la wiiqo, dalkana la galiyo qalalaase uga sii daraya xaaladda taagan.

“Madaxweyne Xasan Sheekh maamulkiisa waa la mucaaradi karaa, waana la dhaliili karaa, waana qayb kamid ah dowlad dhiska iyo horumarka dalka. Mucaaradku waa in taladadooda ay noqotaa talo maxalli ah, ee aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

NACAS NACFI LEH

Madaxweyne Xasan Sheekh maamulkiisa waa la mucaaradi karaa, waana la dhaliili karaa, waana qayb kamid ah dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Mucaaradku waa in taladadooda ay noqotaa talo maxalli ah, ee aysan noqonin talo shisheeye gadaal ka riixayo ama u adeegaya ajandeyaal kharribaad ku ah danaha guud ee qaranka.

Hadalka aan idiin jilciyo. Maalmahan, waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Dowladda Imaaradka ay bilowday inay xiriirro la yeelato qaar ka mid musharaxiinta, ayna ka dalbatay in Dowladda Federaalka la wiiqo, dalkana la galiyo qalalaase uga sii daraya xaaladda dalka.

Musharaxiinta ay la kulmeen qaarkood waa kuwii ay horay saaxiibka ula ahaayeen, waxaase nasiib darro in kuwa kamid musharrixiintii loo haystay inaysan danaha qaranka gorgortan ka galaynin, kana feejigan yihiin faragalinta gurracan ee Imaaraadka, ay ku biireen kuwa sida qarsoodiga ah ula kulamay ee aqbalay inay wada shaqeeyaan Imaaraadka.

Mucaardnimo kiro ah waa nacasnimo nacfi u leh shisheeyaha.

- Advertisement -

Read more

Local News