Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano ka tirsan HirShabeelle.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha difaaca deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa ku jabiyay dhowr goobood ku jebiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib weeraro ay kusoo qaadeen deegaano dhaca xadka labada gobol.
“Geesiyaasha deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan,” ayaa lagu yiri lagu yiri warka dowladda.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray, “Geesiyaasha Qaranka waxay Khawaarijta ku jabiyeen isku dayadii ay ku doonayeen in ay isku ballaariyaan, waxaana ay hadda ku baacsanayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.”
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Ciidanka Xoogga Dalka iyo halgamayaasha reer Hiiraan ee cagta mariyey damaca Khawaarijta, isla markaana muujiyay geesinimo iyo adkaysi.
“Dawladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Khawaarijta,” ayaa lagu soo gabagabeeyey warkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.
Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.