New York (Caasimada Online) – Madaxda ka qeyb gashay shirka amaanka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu bogaadiyeen dagaalka Al-Shabaab.
Madaxda caalamka ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya istaraatijiyada cad ku wajahan dagaalka dhanka ka ah Al-Shabaab, taasi oo fure dhaqaajiya u ahayd horumarka laga gaaray ka xoreynta argagaxisada deegaano cusub iyo wiiqida isha dhaqaalahooda.
Middan ayay sheegeen inay horseeday korarka xubnaha isa soo dhiibaya ee kooxda, haddii ay yihiin dagaal-yahaano sanado badan ka tirsanaa iyo sidoo kale horjoogayaal kamid ahaa madaxda kooxda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii shalay aheyd xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku guddoomiyey shirka amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.
Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban-qaabisay ayaa waxaa ka qeyb-galay 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirkaas ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib-u-dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.
“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya.”
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.